2361 Views

Shirkii Dowladaha Hoose Ee Ka Socday Muqdisho Oo La Soo Gaba Gabeeyey

Shirkii Dowladaha Hoose Ee Ka Socday Muqdisho Oo La Soo Gaba Gabeeyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 23, 2018 —Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane; Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sheegay inaysan doorasho Qof iyo Cod ah ka qabsoomayn Soomaaliya haddii aan la dhisin Dowladaha hoose ee Dalka.

Mudane; Sabriye oo soo xirayay shirkii Maalmahan ugu socday Magaalada Muqdisho, Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhismaha Dowladaha hoose ay tahay saldhigga horumarka Dalka.

Shirka ayaa laga soo saaray Qodobbo lagu qeexayo caqabadaha haysta dhismaha golayaasha Degmooyinka Dalka iyo iney yeeshaan maamullo lasoo doortay,kuwaasoo ay ugu muhiimsanayd dhismaha golayaasha Degmooyinka Dalka iyo iney yeeshaan maamullo lasoo doortay, in la sameeyo dib u heshiisiin iyo sidii horay looga dhaqaaqi lahaa halka imminka la taagan yahay.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Koofur Galbeed ,Maxamed Madobe Nuunoow iyo dhiggiisa  Galmudug Maxamed Xayir Nuur ayaa si wada jir ah u sheegay inay ka maamul goboleed ahaan qaadanayaan doorkooda ku aaddan dhismaha Dowladaha hoose ee Dalka.

Agaasimaha Siyaasadda iyo Dimoqraadiyadda Gobolka Banaadir , C/fataax Cali  Xasan, ayaa soo dhaweeyay go’aannada kasoo baxay shirka Madasha Wada tashiga Wasaaradaha Arrimaaha arimaha Gudaha iyo Gobolka Banaadir ee ku aaddanaa hannaanka Qaran ee Dowladaha hoose, wuxuuna ku tilmaamay mid dhabbaha u xaaraya taabba gelinta Dimoqraaddiyadda Dalka.

28-ka Maarso ee Sanadkan ayaa loo madlan yahay inuu wejiga xiga ee shirkan ka dhaco Magaalada Baydhabo, kaasoo sida lagu wado laga soo saari doono nooca ay tahay tahay doorashada la qorshaynayo inay Dalka ka qabsoonto Sanadda 2020-ka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment