3147 Views

Xaliimo Yarey “Nooca doorasho ee dalka ka dhacaya 2020, waxaa lagu qeexi doonaa shirka Baydhabo”

Xaliimo Yarey “Nooca doorasho ee dalka ka dhacaya 2020, waxaa lagu qeexi doonaa shirka Baydhabo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 23, 2018 –  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa ka hadashay nooca doorasho ee dalka ka dhacaya sanadka 2020, iyadoo sheegtay inay aad ugu kalsoon yihiin ka Guddi ahaan shaqada ay qabteen, iyadoo tilmaantay in wixii hadda ka horreeyay aysan jirin wax dhaqaajiyo ama sameeyo daba gal, balse haatan ay dhisan yihiin Tiirarkii loo baahnaa maaddaama howshan ay iyaga u taallo.

Xaliimo Yareey oo wareysi siisay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegtay in dhaqaalo ka badan $129 Million oo doollar ah ay ku bixi doonto qabashada doorashada la qorsheynayo inay ka dhacdo Soomaaliya Sanadka 2020.

Waxaa ay sheegtay in doorashada ay noqon doonto Hal Qof iyo Hal Cod, waxayna intaa raacisay in nidaamka doorashada nooca uu yahay lagu qeexi doonaa shirka 28-ka Maarso la filayo inuu ka dhaco Magaalada baydhabo, iyadoo go’aankeedana ay leeyihiin madaxda Qaranka, sida ay hadalka u dhigtay.

Guddoomiye Xaliimo ayaa sheegtay inay ka qayb qaadan doonto cid kasta oo Soomaali ah o biuuxisa sharuudaha loo baahan yahay, xaqna u leh inuu wax doorto, waxayna intaa raacisay inay haatan ku gudo jiraan diyaarinta qaabka ay noqonaysao doorashada, taasoo ay la wadaagi doonaan Madaxda Dalka Soomaaliya.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment