3225 Views

Dhagayso:-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Oo Si Kulul Ugu Hadalay Ciidamada Wali Jooga Xarunta Golaha Shacabka

Dhagayso:-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Oo Si Kulul Ugu Hadalay Ciidamada Wali Jooga Xarunta Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 25, 2018–Xildhibaanada Golaha Shacabka ee la safan Jawaari ayaa Shuruud ku xiray iney ogolaadaan in Cod uqaadista Mooshinka laga gudbiyay Gudoomiye Jawaari lagu qabto Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Jawaari oo horay warqad ugu diray Beesha Caalamka ayaa ka dlabaday in Mooshinka cod loogu qaado meel dhexe maadaama Xarunta Golaha Shacabka ay heystaan Ciidamo uu sheegay inuu diray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Waxaana jira warar sheegaya in Beesha caalamka codsigaas aqbashay.

Waxaa socota dadaalo lagu diyaarinayo Teendhadii ay 8-dii February 2017 ka dhacday Doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo ee ku dhex taala Xerada Afisyooni, waxaana halkaas la doonayo in Mooshinka Codka kalsoonida loogu qaado lkn garabka Mooshinka wada ayaa arinkaa diidan.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada sida weyn udifaacaya Gudoomiye Jawaari ayaa Sheegay ineysan suura gal eheyn in Mooshinka Codka loogu qaado Xarunta Golaha Shacabka maadaama aan la isku haleyn karin Ciidanka Xukuumada ay dirtay.

Waxa uu talo ahaan soo jeediyay in Ciidankaa meesha laga qaado, dibna loogu soo celiyo Ciidankii hore

ujoogay, Markaasna ay sahlantahay in Xarunta Golaha Shacabka Cod uqaadista Mooshinka ka dhacdo.

Ciidankan Cusub ee la geeyay Xarunta ayuu Sheegay iney yihiin kuwo loogu talagalay iney ka hortaagaan Xasaradaha iyo dagaalada culus, balse ay la yaabanyiiin waxa Aqalka Dowladda Hoose loogu soo xil saaray maadaama aysan buuq iyo gacan ka hadal jirin.

Kuwii hore ujoogay Xarunta ee mudada sugayay amnigooda ayuu Fiqi sheegay in abaal looga dhigay in Iska socdo la dhoho iyagoo hubkiina laga reebtay.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment