2574 Views

Gudoomiye Jawaari Oo Xiisada Ka Taagan Dalka Kala Hadlay Madaxda Midowga Afrika(SAWIRO)

Gudoomiye Jawaari Oo Xiisada Ka Taagan Dalka Kala Hadlay Madaxda Midowga Afrika(SAWIRO)
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 25, 2018–Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay wehlinayeen Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux)ayaa kulan la qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee AMIOM Fransico Madiera iyo Saraakiil kale oo tirsan AMISOM.

Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Xalane ee Magalada Muqdisho,waxana ay uga wada hadleen xiisada Siyaasadeed ee dalka ka taagan taas oo ka dhalatay mooshinkii Xildhibaano ka tirsan Golaha Sacabka ay ka gudbiyeen Gudoomiye Jawaari.

Gudoomiye Jawaari iyo Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Fransico Madiera ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha ku saabsan Ciidamada la wareegay Xarunta golaha Shacabka iyo sugida amniga iyo qodobo kale.

In kastoo kulankaas ay Saxaafada Banaanka ka joogtay ayaa hadana Warar soo baxayay ayaa waxa ay sheegayeen in gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu AMISOM ka dalbaday in ay ciidamo geeyaan Xarunta Golaha Shacabka balse aan weli jawaab laga helin AMISOM.

Kulanka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya  Fransico Madiera ayaa ku soo aadaya xili weli ay taagan tahay xiisada Siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiye Jawaari taas oo aan xal loo helin,waxana dhawaan la filayaa in la qabto kulan cod loogu qaadayo mooshinkaas,in kastoo weli lagu muran san yahay halkii lagu qaban la’haa kulankaas.

 

01 02 03 05

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment