2121 Views

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo kawada hadlaya Xiisadaha Baladxaawo.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo kawada hadlaya Xiisadaha Baladxaawo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 26, 2018Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa guddi iska soo dhex magacaabay si ay ugu wada hadlaan Xiisadaha ka taagaan Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Xiisadaha ayaa ka dhashay kadib markii Dowladda Kenya ay dib usoo celisay Damaceedii ahaa in Magaalada ay mariso darbi ay sheegtay in ay kaga hortageyso Weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan dalkeeda.

Dadka Magaalada ayaa kasoo horjeystay dhismaha  Kenya, iyagoona dibad baxyo kala hortagay Ciidamada iyo Shaqaalaha dhismaha doonayay in ay halkaa ka bilaabaan.

Guddiga Dowladda ay ee wada hadalkaan waxaa guddoomiye looga dhigay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed, sidoo kale kamid ah Xubno kale oo ku jira Maamulka Gobolka iyo kan Magaalada Baladxaawo

Wadahada ugu horeeyo ayaa bilaabanaya 27-ka Bishaan oo Berri ku beegan sida uu warbaahinta la wadaagay Maxamed Muxumed Maxamed oo ah Gudoomiyaha Guddigaan ahna Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

Waxa uu tilmaamay in arrintaan ay ka dhalatay kadib markii Dowladaha Soomaaliya ay wada hadleen, uuna ku yimid dadaal ay sameeyeen madaxda Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Kenya ayuu sheegay in lagu amray joojinta howlaha iyo dhaq-dhaqaaqyada la xiriira dhismaha Magaalada Baladxaawo ee Xiisadahaan ka dhashay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment