2424 Views

Sawiro:-Dab Xoogan Oo Ka Kacay Xarun Ganacsi Oo Ku taal Dalka Ruushka

Sawiro:-Dab Xoogan Oo  Ka Kacay Xarun Ganacsi Oo Ku taal Dalka Ruushka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 26, 2018–Ugu yaraan 37 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen xarun laga dukaamaysto oo ku taal magaalda Kemerovo ee Siberia.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegaysa in tobonaan dad ah oo ay kamid yihiin caruur la la’yahay.

Dabka ayaa ka bilowday dabaqa afaraad ee dhismaha lagu magacaabo Winter Cherry complex, dadka ku waxyeelloobay dabkaan ayaa lagu soo warramayaa in badan koodu ay ku jireen shaneeemo.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayey qiiq ka baxaya daaqadaha iyadoo dadka qaabilsan dab damiska ay isku dayayeen in ay badbaadiyaan dadka iyo hantida.

Kemerovo, ayaa ah deegaanka ugu weyn ee laga soo saaro dhuxusha, deegaankaan ayaa magaalda Moscow ka xiga dhanka bari qiyaastii 3,600km (2,200 miles).

Dhismaha oo la furay sanadkii 2013 ayaa ka koobnaa makhaayado, meelo shaneemooyinka lagu daawado iyo sidoo kale meelo ay caruurtu ku ciyaaraan.

Dabka ayaa la rumaysan yahay inuu ka kacay qayb ka mid ah dhismaha oo lagu madadaasho, sida ay kusoo warraymayso warbaahinta deegaanku.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Kemerovo, Vladimir Chernov ayaa sheegay in 13 maydad ah laga helay mid kamid ah qololka shaneemada.

Sida ay sheegayaan warar hordhac ah, saqafka saree ee dhismaha ayaa kusoo dumay labo kamid ah shaneemooyinka.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tass hawl-wadeenada gargaarka dagdaga ah ayaa ku guulaystay in ku dhawaad 100 qof ay ka daad gureeyaan dhismaha, waxayna badbaadiyeen 20 kale.

Ilaa iyo hadda lama oga waxuu dabku ka dhashay balse masuuliyiinta ayaa wada baaritaan.

o o1

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment