2148 Views

Wasiir Maryan Aweys “Waxaan wadnaa qorshe lagu hormarinayo Dekedaha Dalka”.

Wasiir Maryan Aweys “Waxaan wadnaa qorshe lagu hormarinayo Dekedaha Dalka”.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 26, 2018–Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac ayaa sheegtay in ay wasaaradda ku howlan tahay hormarinta Dekeda dalka.

Howshaan ayay Tilmaamtay in ay ugu gol-leeyihiin sidii loo kordhin lahaa shaqaalaha Dekedaha Maamul Goboleedyada, taasina ay tahay qayb kamid ah hiigsigooda.

Qashin ay sheegtay in laga soo saaray Dekeda Muqdisho ayay tibaaxday in uu socdo qorshihii looga soo saari lahaa gudaha Marsada Muqdisho, maadaama Cariiro uu ku noqday Shaqadaha gudaha ka socota.

Wasiir Maryan waxa ay sheegtay in Maamulka Shirkadda Albeyrak in ay kala hadashay hormarinta Dekeda Muqdisho ay gacanta ku hayaan Maamulkeeda.

Waxa ay markale ku celisay in aanan waxba iska badin kasoo horjeesashada heshiiska Saami qeybsiga Dekeda Berbera oo ay wada galeen Shirkadda DP-World ee Imaaraatka laga leeyahay, Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka ee Itoobiya.

Wasiirka Dekedaha ayaa soo dhaweysay go’aankii Golaha Shacabka ay dalka ugu mamnuuceen kahowl galista Shirkadda DP-World, ayna ku raaceen Golaha Aqalka sare.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment