2781 Views

Danjire Abuukar Baalle “Imaaraatka waxa ay ku xad gudubtay Qaranimada Soomaaliya”.

Danjire Abuukar Baalle “Imaaraatka waxa ay ku xad gudubtay Qaranimada Soomaaliya”.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 27, 2018—Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobe Abuukar Daahir Cusmaan Baalle oo hadal ka jeedinayay Qaramada Midoobe ayaa sheegay in Dowladda Imaaraatka Carabta ay ku xad gudubtay Midnimada iyo Qaraminada Soomaaliya.

Heshiiskii Saami qeybsiga Dekeda Berbera ay kala saxiixdeen Shirkadda DP-World, Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka ee Itoobiya.

Waxa uu Qaramada Midoobe ka dalbaday in wax la qabto Xadgudubka Imaaraatka Carabta ay ku sameysay Midnimada Soomaaliya.

Danjire Abuukar ayaa soo hadal qaaday in wixii wada hadal ah ay u madax banaan yihiin Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada Jaamacadda u gudbiyay Dacwad ka dhan ah Dowladda Imaaraatka Carabta.

Dowladda Sacuudiga oo Saaxiibo dhaw la ah Imaaraatka ayaa Casuuntay Madaxda Wadamada Carabta, waxaana Ajendaha ay horyaalla kamid ah in aanan sii fogaan Xiisadaha ka dhashay Go’aankii Baarlamaanka Federaalka ay dalka ugu mamnuuceen Shirkadda DP-World iyo heshiiskii sababta u ahaa arrintaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment