2037 Views

Dib U Dhac Ku Yimid Shirka Amniga Qaranka Oo Maanta Furmi Lahaa

Dib U Dhac Ku Yimid Shirka Amniga Qaranka Oo Maanta Furmi Lahaa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 28, 2018—Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa lagu balan sanaa in Maanta oo ah 28 Bisha Maarso uu ka furmo shirka Golaha Amniga Qaranka,balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in shirkaasi uu baaqday.

In kastoo aan sidhab ah loo ogeyn sababta ka dambeya baaqashaa shirkaas ayaa hadana masuuliyiin ka tirsan  Maamulka Koonfur waxa ay xaqiijiyeen in shirkaasi uu baaqday.

Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa warar kale oo soo baxaya waxa ay sheegayan in uu u baaqday sababo la xiriira khilaafka hareeyay Golaha Shacidejinta iyo kan fulinta ee dowladda kaas oo sidoo kale sababay in ay hakadaan Shaqooyin badan oo dowladda ah.

Weli Go’aan kale oo rasmi ah lagama soo saarin waqtiga kale e uu shirkaasi qabsoomi doono,iyada oo uu Maanta baaqday,waxaana sidoo kale jirtay in Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil( Xaliimo Yareey) in maanta ay aheyd in ay gudbiso nooca doorasho ee 2020-ka ka dhaceysa Soomaaliya.

Sikastaba waxaa iminka la sugayaa in waqti kale lagu balamo in shirkaasi uu furmo maadaama uu yahay mid muhiim u ah Amniga dalka,isla markana ay ka qeybgeli lahaayeen Madax ka socota dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment