1983 Views

Shaqaalihii Ka Maamulayay Hawada Soomaaliya Nairobi Oo Muqdisho U Soo Guuray

Shaqaalihii Ka Maamulayay Hawada Soomaaliya Nairobi Oo Muqdisho U Soo Guuray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 28, 2018—Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta dalka dib ugu soo celisay Shaqaalo ka mid ah kuwii hawada Soomaaliya ka maamulayay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii

Shaqaalahaan ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 39 Shaqaale oo ka tirsan  Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya si ay uga howlgallan Magaalada Muqdisho,taas oo Wasaaradda duulista Hawada soomaaliya ay ku tilmaamtay in ay tahay tallaabo horumarineyd.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in dad badan oo Soomaali iyo Ajaanib ah in marar badan ay u sheegeen in asyan suurtagal aheyn in Hawada Soomaaliya laga maamulo soomaaliya balse ay marqaati ka yihiin in Maanta ay Muqdisho u soo guureen 34 ka mid ah Shaqaalahaas  kuwaas oo Nairobi ka howlgallay tan iyo 1993.

28 Bishoo December Sanadkii tegay ee 2017 ayaa Munaasabad lagula soo wareegayay Maamulka Hawada Soomaaliya waxaa lagu qabtay Muqdisho,iyada oo Qalabka ay ku Shaqeynayaan Shaqaalaha Hay’adda Saadaasha Hawada uu tijaabiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment