2139 Views

C/Fitaax Sisi oo dib loo doortay

C/Fitaax Sisi oo dib loo doortay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 29, Maarso 2018 — Warbaahinta dowladda Masar ayaa goordhow shaacisay in doorashadii Bishan ka socotay gudaha iyo dibadda Masar uu ku guuleystay madaxweynaha hadda talada haya ee C/Fataax Al siisi.

23 Milyan oo ka mid ah 60 milyan oo qof oo isu diiwaangeliyay doorashada ayaa dibadda u soo baxay si ay u codeeyaan,waxaana hadda warbaahinta ay leedahay dowladda oo xiganeysa Guddiga doorashooyinka ay sheegeysaa in Madaxweyne Sisi uu helay 92% codadkii la dhiibtay.

Wargeysyada Al-Ahraam iyo Al-Akhbaar Al Yowm iyo wakaaladda wararka ee MENA ayaa baahiyay guusha C/Fitaax Al siisi,waxaana ay sheegeen in madaxweynaha mar labaad dib loo doortay.

Muusa Mustafa Muusa oo ah Ninka la tartamayay ayaa waxaa lagu xantaa in isaguba uu taageere u yahay Madaxweyne Sisi.

60 Milyan ee isu diiwaangeliyay codbixinta waxaa dibadda u soo baxay kaliya 40%,taas oo ka dhigan in ay ka hooseeyaan dadkii u soo baxay doorashadiisii 1aad ee 2014kii taas oo ay u soo baxeen 47%.

Warbaahinta Ajaanibta ah ee doorashada baahinaya ayaa sheegaya in lacag u dhaxeysa $3-20 doollar la siinayay dadka si ay u codeeyaan oo ay dibadda ugu soo baxaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment