2175 Views

Dallada SOSCENSA oo ka digtay in Khilaafka Gudoonka Golaha Shacabka uu sababo qal-qal Siyaasadeed

Dallada SOSCENSA oo ka digtay in Khilaafka Gudoonka Golaha Shacabka uu sababo qal-qal Siyaasadeed
____________________________________________________________________________

soscensa

Muqdisho | QOL | 30 Maarso, 2018 –  Dallada Bulshada Rayidka ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ee SOSCENSA waxa ay ka walaacsan tahay khilaafka siyaasadeed ka dhex jira hey’adaha Dastuuriga ah kaasi oo ku yimid mooshin laga keenay guddoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari. Daladda Bulshada Rayidka waxa ay dadaallo u gashay uguna jirtaa xallinta khilaafka, waxa ayna u xil saartay guddi xubno ah oo bulshada rayidka matalayo kuwaasi oo loo xilsaaray xal u raadinta khilaafka jira. Guddigaan oo la magaacabay 19 Maarso 2018 ayaa waxa uu kulamo gooni gooni ah la qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Kuxigeenkiisa, Ra’isulwasaaraha DFS iyagoo kala hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka taagan islamarkaana looga gudbi laha, welina ay rajo ka qabaan sidii ay ula kulmi lahaayeen Madaxweynaha.

Maalinimadii shalay ee Khamiista ahayd oo taariikhda ku beegneyd 29 Maarso, Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Cismaan Jawaari waxa uu ku dhaawaqay in kulanka baarlamaanka uu furmi doono maalinka Sabtida, ajendaha kulankana uu noqon doono arimaha xuduudaha, iyadoo aan ognahay in dhanka kale ee guddoomiye ku xigeenka xildhibaanada uu u sheegay in 31-ka Bisha maalinka Sabtida ah kulan ay isugu imaan doonaan xildhibaanada, waxaana halkaasi inooga cad in khilaafka uu sii siyaadi karo taasina ay abuuri karto qal-qal siyaasadeed oo hor leh.

Guddoomiyaha Dallada Bulshada Rayidka mudane Diini Maxamed Diini isagoo ku hadlaya magaca Bulshada Rayidka waxa uu ka codsanayaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya in la hakiyo kulamadaasi ayna aqbalaan waan-waanta iyo dadaalada ay wadaan Bulshada rayidka si xal loogu helo khilaafka taagan.

Ugu dambeyn waxa ay dallada ugu baaqeysaa dhammaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya in xaalad la dejiyo islamarkaana sharciga la illaaliyo.

Wabillahi towfiiq

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment