2382 Views

Dhibane Xaashi Cumar Oo Maxkamada Roma Saddex Milyan Eurou U Xukuntay

Dhibane Xaashi Cumar Oo Maxkamada Roma Saddex Milyan Eurou U Xukuntay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 31, 2018 – Nin Soomaali ah oo si khalad ah loogu xukumay dilkii wariye RAI Ilaria Alpi iyo sawir qaade Milan Hrovatin ayaa helay saddex milyan oo yuuro oo magdhow ah ka dib Sanado badan oo uu xabsi ku jiray.

Xaashi Cumar Xassan ayaa helay lacag dhan 3.181 Milyan oo Euro oo ay u xukuntay maxkamadda racfaanka Perugia.

Maxkamadda ayaa sheegtay in lacagtaan ay tahay Magdhow, maadaama uu Sanado badan uu xirnaa, isagoo ah eedeysane.

Bishii Oktoobar 2016-kii ayaa Maxkamad Perugia ay ka noqotay xukunkii Haashi lagu riday  1994-kii.

Dacwad oogaha Dario Razzi ayaa u sheegay maxkamada inaysan “geli Karin” dembiga uu ka shaqeynayay in ka badan 16 sano oo xabsi ah, islamarkaana uusan galin dambiga lagu eedeeyey ee ahaa inuu ka qayb qaatay dil magaalada Muqdisho sanadkii 1994- ka dhacay.

Gabadha wariyaha ayaa Soomaaliya u tagtay si ay ugu sameeyaan baaritaano eedeymaha sheegaya, in shirkaddo laga leeyahay dalka Talyaaniga ay qayb ka ahaayeen haraaga sunta oo lagu shubay xeebaha Soomaaliya iyo hub laga iibiyey dad loogu yeeray hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya hortaantii sagaashameeyadii.

Ilaria Alpi ayaa ka tagtay magaalada Boosaaso ka dibna waxay timid magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu dilay March 20, 1994.

Xaashi Cumar Xasan, ayaa si shirqool ah loo geeyay dalkaasi, bishii January ee sanadkii 1998-kii.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment