2037 Views

Gudoomiye Jawaari Oo Shaaciyey Sababtii Loo Baajiyey Kulankii Baarlamaanka

Gudoomiye Jawaari Oo Shaaciyey Sababtii Loo Baajiyey Kulankii Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 31, 2018 – Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in kulankii Golaha Shacabka ee la hakiyo uu socdsaday madaxweyne Farmaajo,isla marakana laga aqabalay.

Isaga oo faah faahinayay kulan ay qaateen Madaxweyne Farmaajo isaga iyo labadiisa ku xigeen si xaalada loo dejiyo.

“Aniga iyo labadeyda ku xigeen waxaa inoo yeeray  madaxweyne Faramajo wuxuuna naga codsaday in la hakiyo kulanka Golaha Shacabka ee maanta si loo dejiyo xaalada siyaasadeed ee dalka amaga oo ka fikireyna mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed madaxweynuhuna wuu naga aqbalay ayuu yiri Gudoomiye Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari”

Xiisada Siyaasadeed ee dalka ayaa gaartay meeshii ugu darneyd,waxana saakay inta badan la xiray Wadooyinka waawyen ee Muqdisho wallow markii dambe dib loo furay,waxana la oegyn halka ay ku dambeyn doonto xiisada u dhaxeysa Gudoonka Golaha Shacabka.

Waxa uu u mahadceliyey Xubnaha Aqalka Sare oo waqti badan geliyey in la xaliyo xiisada ka dhaxeysa Gudoonka Golaha Shacabka,waxa uuna sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay ka sugayaan Jawaab  Xildhibaanada Golaha Shacabkana laga doonayo in ay xaalada dejiyaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment