4545 Views

Maxamed Bin Salmaan: Wahaabiyada waxa aan u faafinay dalab nooga yimid reer galbeed awgi !

Maxamed Bin Salmaan: Wahaabiyada waxa aan u faafinay dalab nooga yimid reer galbeed awgi !
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 31, 2018 – Dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa daboolka ka qaaday in ku faafidda aragtida Wahaabiyada ee gudaha boqortooyada Sucuudigu iyo caalamka Islaamkaba guud ahaan uu ka soo billowday xilligii uu socday dagaalkii qaboobaa, kaddib markii dowlado gacan-saar la leh Sucuudigu ay ka codsadeen boqortooyada in ay dhaqaale ku bixiso sidii isfidinta midowgii Soofiyeet ee Ruushku horkacayey looga hor istaagi lahaa in uu ku gaaro Waddamada Islaamka ah, Maxamed Bin Salmaan ayaa sidaas ku sheegay Wareysi gaar ah oo uu siiyey Wargeyska Washntoon Boost oo ka soo baxa magaalada Washington.
Dhaxalsugaha oo tifaftirayaal katirsan Washntoon Boost; uga jawaabayey kaalinta Sucuudiga ee fidinta aragtida Wahaabiyada oo loo tiiriyo in ay tahay isha rabshadaha ku saleysan xagjirnimada ama Tadarufka ee ka taagaan adduunka oo dhan ayaa sheegay in maalgelinta Sucuudiga ee Dugsiyo, Iskuullo iyo Masaajid laga sameeyey waddamo badan oo Islaam ah ay xiriir la lahayd xilligii uu taagnaa dagaalkii qaboobaa, iyada oo si midowga Soofiyeet looga hor istaago in uu gaaro dunida Muslimka  uu Maxamed Bin Salaam Sheegay in Sucuudigu dhaqaale badan ku bixiyey, kaddib codsi ka yimid waddamo reer Galbeed oo Isbaheysi la leh Sucuudiga.
Bin Salmaan ayaa intaas raaciyey in xukuumadihii Sucuudiga ee is xig-xigay ay ka lumeen hannaankii boqortooyada, sidaas daraadeedna ay hadda doonayaan in dib loogu soo noqdo nidaamka Boqortooyada, waxa uu tilmaamay in hadda iyo wixii ka dambeeya ay maalgelintu ka imaan doonto hay’ado madax bannan oo Sucuudiga laga leeyahay, halkii ay xukuumaddu si toos u bixin jirtay.
Hadalka dhaxalsugaha Sucuudiga ayaa yimid kaddib markii Wasaaradda Waxbarashada ee Sucuudigu ay daboolka ka qaadday in dib u habayn lagu sameynayo man-hajka iyo guud ahaan Waxbarashada Boqortooyada, iyada oo Bin Salmaan horay u Sheegay in loo dhigayo dib u qaabeynta Waxbarashada Sucudiga hab dhexdhexaad ah oo ka turjumaya Islaam dhexdhexaad ah, kaasi waa mid kamid ah ballanqaadyadii uu ysameeyey dhxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ee kamid ah qorshaha dib u qaabeynta Boqortooyada Sucuudiga

(FILES) In this file photo taken on March 7, 2018 Saudi Arabia's Crown Prince Mohammed bin Salman arrives for talks at 10 Downing Street, in central London. Likening Iran's leader to Adolf Hitler, Saudi Arabia's crown prince warned in a US television interview that if Tehran gets a nuclear weapon, his country will follow suit. "Saudi Arabia does not want to acquire any nuclear bomb, but without a doubt, if Iran developed a nuclear bomb, we will follow suit as soon as possible," Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman said in an excerpt of the interview that aired March 15, 2018 on "CBS This Morning."The 32-year-old Prince Mohammed said he has referred to Iran's supreme leader Ayatollah Ali Khamenei as "the new Hitler" because "he wants to expand."  / AFP PHOTO / Tolga AKMEN
(FILES) In this file photo taken on March 7, 2018 Saudi Arabia’s Crown Prince Mohammed bin Salman arrives for talks at 10 Downing Street, in central London.
Likening Iran’s leader to Adolf Hitler, Saudi Arabia’s crown prince warned in a US television interview that if Tehran gets a nuclear weapon, his country will follow suit.
“Saudi Arabia does not want to acquire any nuclear bomb, but without a doubt, if Iran developed a nuclear bomb, we will follow suit as soon as possible,” Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman said in an excerpt of the interview that aired March 15, 2018 on “CBS This Morning.”The 32-year-old Prince Mohammed said he has referred to Iran’s supreme leader Ayatollah Ali Khamenei as “the new Hitler” because “he wants to expand.”
/ AFP PHOTO / Tolga AKMEN

Waxa uu sheegay in uu dadaal dheeri ah ku bixiyey sidii hay’adda diinta ee boqortooyada loogu qancin lahaa in xakameynta faraha badan ee saaran dumarka Sucuudigu aanay ahayn mid ka timid dhanka diinta Islaamka, waxa uu yiri: “Waxa aan rumeysan yahay in Islaamku yahay diin ku dhisan garashada iyo Caqliga, islamarkaana fudud, balse dadka qaar ayaa isku deyaya in ay afduubaan”, waxa uu intaas raaciyey in Wadahadallada uu lagalay hay’adda diinta ee Sucuudiga ay ahaayeen kuwo muddo dheer qaatay, sidaas awgeedna ay kordhayaan maalinba maalinka ka dambeeyadadka ku qanacsan aragtidiisa eek u jira Hay’adda diinta ee Sucuudiga.

Warbaahinta Mareykanka ayaa diiradda saareysa muddooyinkan dambe Maxamed Bin Salmaan; dhaxalsugaha boqortooyada Sucuudiga oo booqasho u tegey dhowaan Mareykanka si gaar ah magaalooyinka Booston, New York, iyo Los Angeles.
Inkasta oo madaxweynaha mareykanku uu sheegay in booqashada dhaxalsuguhu ay xiriir la leedahay heshiis dhanka melateriga haddana Bin Salmaan ayaa sheegay in muhiimaddu tahay maalgashi, waxa uu sheegay in uu raadinayo kalsoonida maalgashadayaasha Mareykanka si gaar ah dhinacyada Teknoolajiyadda iyo Waxbarashada
Washington post+ Quddus Alcarabi

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment