2094 Views

Sawiro:-Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 31, 2018 – Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay kulan ku qaateen magaalada Muqdisho, kulanka ayaa ahaa mid baaq loogu diray, Xildhibaanada Golaha shacabka si ay xooga u saaraan xasiloonida siyaasadeed ee Wadanka .
Haweenka ayaa Xildhibaanada Golaha shacabka uga digay in ay ka feejignaadaan waxaayabaha khal-khalka galin karo siyaasada dalka maadaama ay gacanta ku hayaan Masiirka Umadda Soomaaliyeed.
Xubnaha Meesha ka hadlay waxaa ka mid aheyd Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe waxa ay tiri “ wax waliba waxa aan soo jeedineynaa in jiritaanka Ummada Soomaaliyeed laga horumariyo, sidoo kale wiilsha Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqeynaa in ay isku tanaasulaan iyaga oo fiirinayo Danta dalka iyo dadka eegayana dhibaatada heysata bulshada Soomaaliyeed.”
Saynab Maxamed Xasan ( Siraad ) oo ah gudoomiyaha Ururka SGEM ayaa mar ay ku hadashay Afka Haweenka Bulshada Ra’yida waxa ay tiri “ Xildhibaanada Golaha Shacabaka waxa aan ka codsaneynaa in ay joojiyaan khalalaasaha iyo dhibaatada ka dhex taagan siyaasada, iyada oo la fiirinayo danta shacabka sababta oo ah haddii qof meesha laga saaro waxa ay horseedi kartaa dhibaato hor leh, waxa aan ku talineynaa in la wada hadlo oo miiska la wada fariisto, iyada oo lagu dhaqmayo Dastuurka u yaalla dalka.

Maadaama Xildhibaanada Golaha Shacabka 61 ka mid ah ay haween yihiin suurta galna tahay in ay ku kala biiraan ama ay qeyb ka yihiin labada garab ee baarlamaanka waxaa fariin ah in daganaasha wadanka ay gaar ahaan siyaasada baarlamaanka ay ka shaqeeyaan u dir tahay Cadar Cali Maxamed oo kulanka ka hadashay.

Khadiijo Ibraamih Xasan ( Caato ) oo ka mid ah Haweenka  ka soo laabtay Qurbaha ayaa tiri “waxa aan Baarlamaanka ka sugeynaa in wax waliba ay dhameeyaan ama ay sharciga ku kala baxaan”

Abshiro Axmed Maalin oo Haweenka Qaranka Ka  tirsan ayaa tiri “haddii xaaladda ay sidan ku sii socoto waxaa imaanayo burbur iyo amni xumo intaan ka daran , waxa aan u baahanahay in baarlamaanka ay dib isugu laabtaan.”

Waxaa isa soo tarayo baaqyada loo dirayo xubnaha baarlamaanka golaha shacabka si loo dajiyo khilaafka siyaasadeed ee muddooyinkani ka dhex taagan xubnaha baarlamaanka oo noqday labo garab.

01 03

z02

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment