2373 Views

Sawiro:-Shir Muhiim ah Oo Maanta Ka Dhacay Dhuusamareeb

Sawiro:-Shir Muhiim ah Oo Maanta Ka Dhacay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 31, 2018 – Kulankan oo uu shir gudoominayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa waxaa ka qeyb galaya Gudoomiyaaasha Gobollada Mudug iyo Galgaduud , Talisyada Ciidamada ee kala duwan, wasiiradaha amniga , arimaha gudaha iyo maaliyada ee galmudug iyo Taliska Qeybta 21aad.

Shirkaan ayaa waxa uu qeyb ka yahay madasha amniga qaranka oo waxyaabaha lagu gorfeeyey ay qeyb ka noqonayso dhaqan galinta qodobadii madadasha ee heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna.

Dhamaan xubnaha shirkaan ka ku sugan ayaa laga dhageysanayaa warbixinada ciidamada iyadoona la faray saraakiishu in ay kala war qaataan si amniga guud uu u noqdo mid isku xiran.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa lagu qabtay munaasabad Ciidamo ka tirsanaa kuwa Ahlusunna loogu biiriyey Ciidamada Galmudug oo ay ka qeyb galeen Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug.

Hoos Ka Daawo Sawirada Kulanka Dhuusamareeb.

10 13 16 17 18 19

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment