2097 Views

Booliiska Canada oo dhalinyaro Soomaali ah xiray iyo Waalidiinta oo Ciidamada eedeeyay

Booliiska Canada oo dhalinyaro Soomaali ah xiray iyo Waalidiinta oo Ciidamada eedeeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL  |  April 01, 2018–Laba wiil oo Soomaali ah iyo mid kale oo ajnabi ah ayaa lagu xiray magaalada Toronta ee dalka Canada kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dil ka dhacay magaaladaasi.

Ciidamada Booliiska ee dalka Canada ayaa bilaabay 16-kii bishii March ee aan ka soo gudubnay in ay dad u qabtaan dil loo geystay gabar u dhalatay wadankaasi.

Mid ka mid ah labada wiil ee Soomaalida ah ayaa dacwad oogayaasha waxay sheegeen in uu waday Gaarigii lagu fuliyay dilkaasi, maxkamadna la soo taagi doono bartamaha bishaan Abril inta ka horeysana ay keeni doonaan cadeymaha eedeeymahaasi.

Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa dhaliilsan dacwad oogayaasha iyo laamaha amaanka ee dalkaasi kuwaad oo ay ku eedeeyeen in ay si daacad ah ugu shaqeynin Soomaalida Canada ku dhaqan.

Sikastaba ha`ahaatee laamaha amaanka ee dalka Canada ayaa iska fogeeyay eedeeymahaasi waxayna sheegeen in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay yihiin kuwoo sharciga aan garab siinin, ayna badalkeeda yihiin kuwoo caawiya dambiilayaasha.

Isla shaqeyn iyo isfaham la`aan  ayaa marar badan waxay sababtay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada in ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo loo aaneynaayo arimahaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment