2790 Views

Amaanka Xarunta Baarlamaanka oo adkeeyay iyo Xld u kalahay saakay

Amaanka Xarunta Baarlamaanka oo adkeeyay iyo Xld u kalahay saakay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 4, 2018 – Xaalada magaalada Muqdisho ayaa saaka gashay jawi ka duwan, sidii ay aheyd maalmihii la soo dhaafay, waxaana ay ku waabariistay dareen siyaasadeed iyo mid amni, iyadoo saaka loo balansan yahay in Xildhibaanada ku shiraan xarunta Baarlamaanka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa saaka aroortii salaadii subax kaddib u kalahay xarunta golaha shacabka, taasoo ah arrin ku cusub baarlamaanka, marka loo eego xaalada siyaasadeed ee ka jirta Muqdisho.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay inay taagan yihiin banaanka xarunta Baarlamaanka, walina aan la furin albaabka, waxaana xaalada ay tahay mid degan.

Labada Xildhibaan ee kala qeybsan ayaa kala wata labo ajande, iyadoo Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ay doonayaan inay ka doodayaan mooshinka codka kalsoonida.

Sidoo kale dhinaca Xildhibaanada ka soo horjeeda ayaa wata ajande kale oo ah arrinta xuduudka Beledxaawo ee Darbiga Kenya.

Ciidamo fara badan ayaa la soo dhoobay waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo meelo badan xiray, waxaa ay ku hubeysan yihiin gaadiidka dagaalka iyo kuwa gaashaaman.

Ammaanka Xarunta Madaxtooyada iyo Xarunta Golaha Shacabka oo aan kala fogeyn ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa waddooyinka gala xarumahaas lagu arkayay ciidamo fara badan oo sugayay amniga.

Waxaa si guud ammaanka uga qeyb qaadanaya ciidamada kala duwan ee dowladda, iyadoo lagu arkayo ciidamada oo daadsan agagaarka Daljirka Dahsoon illaa Isgoyska Dabka.

Xildhibaanada ilaalada watay ayaa la sheegay in ilaaladooda looga reebayay dhanka Daljirka Dahsoon iyo dhanka Isgoyska Dabka, waxaana Xildhibaanada loo ogol yahay gaadiidkooda caadiga oo kaliya.

Xaalada ayaa illaa iyo hada degan, waxaana gebi ahaanba hakad ku jira isu socodka, iyadoo isha lagu haayo xaalada Baarlamaanka iyo sida xaalka noqon doono, waxaana dadka reer Muqdisho ay dareen walwal ah ka muujinayaan xaalada cusub ee ay gashay magaalada.

xld-barlamanxld-barlaman-1 xld-barlaman-2 xld-barlaman-3

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment