2013 Views

Hey’addaha Amniga oo baaq ku saabsan sugida amniga u jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka

Hey’addaha Amniga oo baaq ku saabsan sugida amniga u jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 4, 2018 –  Hey’addaha Amniga dowladda Federaalka ayaa war saxaafadeed caawa ay soo saareen waxay baaq ugu jeediyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka, xilli maalinta berri lagu wado inuu dhaco kulanka Baarlamaanka.

War saxaafadeedka ayaa huwanaa calaamadaha Talisyada ciidamada Booliska, Xoogga dalka, Nabadsugida iyo Asluubta ayaa waxaa loogu baaqay Xildhibaanada inay gacan ku siiyaan sugida amniga iyo sarreynta Sharciga.

Baaqan ayaa ka dambeeyay, markii ay soo baxday Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ciidamo fara badan u yimaadeen, isla markaana qaar ka mid ah xildhibaanada la arkay, iyagoo ay ilaalinayaan Ciidamo fara badan.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa xiray waddooyin badan, iyadoo caawa fiidkii hore Ciidamada ay isku dayeen inay is hor-taagaan gaadiid uu la socday Xildhibaan C/qaadir Cosoble agagaarka Tiyaatarka, waxaana ciidamada galbinayay Xildhibaanka iyo ciidamada ammaanka ay isku sigteen inay is rasaaseeyaan, balse waxaa markii dambe xaalada taagneyd soo farageliyay Wasiirka Amniga Ducaale oo ciidamada ammaanka kula soo hadlay qadka isgaarsiinta, kuna amray inay ka hor-wareegaan gaariga Xildhibaanka.

Dhinaca kale waxaa caawa magaalada Muqdisho soo gaaray ciidamo fara badan oo Milateri ah, kuwaasoo ku hubeysan gaadiidka dagaalka, ciidamadan ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka Muqdisho oo lagu wado in berri uu ka dhaco kulanka Baarlamaanka.

baaq-hay-adahah-amniga

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment