2280 Views

Guddoomiye Jawaari oo la kulmay qaar ka mid ah Safiirada jooga Muqdisho

Guddoomiye Jawaari oo la kulmay qaar ka mid ah Safiirada jooga Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 7, 2018 – Guddoomiyaha Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Safiirada dalalka Caalamka u jooga Muqdisho.

Guddoomiye Jawaari ayaa la kulmay Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Olgan Bekar, isagoo kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay xaalada siyaasadeed ee uu dalku galay.

Labada dhinac ayaa wadaagay qodobo kala duwan oo la xiriira xal u helida khilaafka iyo sidii loo gaari lahaa is faham ku yimaada wada hadal.

Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa la kulmay Sii hayaha Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Martin Dale, waxaa kulankaas uu ka dhacay xarunta Xalane.

Wakiilada Beesha caalamka ee badankood fadhigooda yahay Xarunta Xalane ayaa si aad ah uga walaacsan khilaafka, waxaana madaxda dowladda ku cadaadinayaan in xal laga gaaro xiisada siyaasadeed iyo in loo maro wadada sharciga ee dastuurka qabo.

Kulamada Guddoomiye Jawaari la qaatay xubnaha safiirada ayaa ku soo beegmaya, iyadoo uu cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee taagan, waxaana la ogeyn halka uu xalka ku dambeyn doono.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment