2685 Views

Kulankii Baarlamaanka iyo Is Casilaada Gudoomiye Jawaari

Kulankii Baarlamaanka iyo Is Casilaada Gudoomiye Jawaari
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 9, 2018 –  Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu balan Sanaa manta inii dhoco taas oo u jeedadiisu aheyd in looga doodo Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaana u dhicin sidii loorabay.

Iyadoo mudanayaal badan oo ka tirsan Xildhibaanada Mooshinka kawada Gudoomiye Jawaari ayaa soo xaadiray golaha shacabka iyadoona lagu war geliyay inuusan kulanku u dhici doonin sidii loogu talagalay taas oo keentay war kazoo baxay xafiiska Gudoomiye Jawaari oo sheegay inuu iska casilo xilka Gudoomiye nimo ee golaha shacabka Baaralaanka Federaalka Soomaaliya kadib kulamo uu la yeeshay Madaxweynaha Dowlada Federaalka, Gudoomiye Xigeenka 1-aad Mudane Muudeey iyo Kuxigeeenka 2-aad Mahad Cawad.

Kulankaas oo qaatay saacado ayaa waxaa go’aan geesinimo leh qaatay Gudoomiye Jawaari kaas oo ahaa inuusan kadhumin waqti kale shacabka iyo howlwadeenada Qaranka oo aay ugu horeeyaan xildhibaanada.

Kulankaas ayuu gudoomiye Jawaari wuxuu istiqaaladiisa ugu sheegay Madaxweyne Farmaajo iyo kuxigeenadiisa, kadib gudoomiye xigeenka 1-aad Mudane Muuday ayaa u sheegay xildhibanada golaha shacabka inuusan dhici doonin wax Mooshin ah kadib markii Gudoomiye Jawaari is casilay si xilkasnimo iyo geesinimo leh.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari ayaa xaqiijiyay in Mr Jawaari uu aqbalay inuu is casilo, isla markaana maalinta Arbacada ee soo socota uu kaga dhawaaqi doono kulanka guud.

Xaalada siyaasadeed ee uu dalku ku jiray todobaadyadii la soo dhaafay ayaa u muuqata mid soo afjarantay, waxaana la geli doonaa marxalad cusub oo aan la qiyaasi karin halka ay ku biyo shuban doonto.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment