2175 Views

Nasrallah “Mareykanku lacag ku beddesha dagaalka Israel ayuu nagu yiri”

Nasrallah “Mareykanku lacag ku beddesha dagaalka Israel ayuu nagu yiri”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 10, 2018 – Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah ee dalka Lebanon Sheekh Xasan Nasrallah ayaa sheegay in dowladda Mareykanka uu ururkiisa ka codsaday in uu joojiyo dagaalka iyo cabsi gelinta Israel beddelkeedana ay lacag qaataan.

Xasan waxaa uu sheegay in Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W Bush, uu Xisbullah ugu baaqay in ay joojiso dagaalka ka dhanka ah Israel dib u heshisiin iyo lacagna ku beddelato.

Waxaa uu sheegay in Ururkiisu uu diiday arrintaas islamarkaana dagaalka ka dhanka ah Israel uu sii soconayo inta gardarrada Israel ay ku heyso dunida Muslimka ah gaar ahaan dadka reer Falastiin.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Dick Cheney,ayaa qorshahan Xisbullah u mariyay Dowladda Imaaraadka Carabta sida uu sheegay Sheekh Xasan Nasrallah.

.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment