2826 Views

Shirkada DP World oo dowalada Jabuuti uga digtay in ay sharikad kale ku wareejiso dakada dalkaasi

Shirkada DP World oo dowalada Jabuuti uga digtay in ay sharikad kale ku wareejiso dakada dalkaasi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 10, 2018 – Sharikadda Maamusha Dekadaha ee DPWorld ayaa uga digtay Dowladda Jabuuti in Dekadda Dooraale ay ku wareejiso sharikad kale inta uu shaqeynayo heshiiska ay DPWorld iyo Dowladda Jabuuti wada galeen.

Warbixin ay soo saartay sharikadda ayey ku sheegtay in haddii tallaabadaas ay ku dhaqaaqdo Dowladda Jabuuti ay iyaduna xaq u leedahay in ay dacweyso islamarkaana sheegto bur bur hantiyadeed in loo geystay.

Waxaa Warbixinta ka soo baxday DPWorld lagu sheegay in iyada oo kaashaneysa hay’adda dhinaca Sharciga ee DCT, ay dacwad ka dhan ah Dowladda Jabuuti ka furayaan Magaalada London ee caasimadda Dalka Ingiriiska.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in sharikadda PIL oo laga leeyahay dalka Singapore ay heshiis kula gaartay maamulka Dekadda Dooraale kaddib markii bishii hore ay jebisay heshiiska DPWorld ay ku maamuleysay dekaddaasi.

Dowladda Jabuuti ayaa DPWorld ku eedeysay in ay la wareegtay qeybta go’aan gaarista Dekadda Dooraale iyada oo leh saami la eg 33%, halka ay 66% leedahay Dowladda Jabuuti, taasina aysan sharci ahayn.

.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment