2097 Views

Maxaa sababay qabsoomid la’aantii kulanka Baarlamaanka maanta?

Maxaa sababay qabsoomid la’aantii kulanka Baarlamaanka maanta?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 11, 2018 – Iyadoo lagu balansanaa in maanta oo ku aadan 11 April I Gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari hor yimaado golaha baarlamaanka kuna war geliyo is casilaadiisa ayaana u qabsoomin sidii la filayay.

Sida uu maalintii Isniin ta aheyd Apil 9, 2018 shir jaraa’id ay wada qabteen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Gudoomiye Maxamed Sheekh CIsmaan Jawaari oo uu gudoomiye Jawaari kaga dhawajiyay in uu iska casilay xilkii gudoomiye nimo ee uu u hayay golaha Shacabka uuna xilkaa ku wareejin doono golaha shacabka si ay iyagu usoo doortaan shaqsigii noqon lahaa gudoomiyaha.

Kulankaas oo muran iyo is qabqabsi kadhasy cidii shirgudoomin lahayd ayaa keenay in uu kulanka baaaqdo maanta oo lagu balansanaa inuu dhoco. Murankaa ayaa u dhexeeyay Gudoomiyaha xilka iska casilay iyo labadiisa gudoomiye kuxigeen, murankaas oo ahaa cidii shirgudoomin laheyd shirka.

Mudane Jawaari ayaa sheegay inuu isagu shir goodmiyo furana shirka, kadibna u sheego xildhibaanada inuu iska casilay xilka, ku xigeenka 1-aad C/wali Muudey ayaa isna wuxuu ku adkeystay inuu kulanka maanta isagu shir gudoomiyo maadaama gudoomiye Jawaari si public ah shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay inuu xilka iska casilay, marka xaq umalahan inuu shirgoomiye noqdo.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey oo muranadii iyo khilaafkii u dhaxeeyay Guddoonka qeyb ka ahaa ayaa la sheegay in aanu wax door ah ku yeelan kulamadii xalka looga gaaray ee Madaxtooyada garwadeenka ka aheyd, kaasoo ugu dambeyn suura geliyay in Jawaari lagu qanciyo inuu ogolaado inuu is casilo, si loo soo afjaro xiisada daba dheeraatay.

Sidoo kale Mr Muudey iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cawad iyo xogheynta Baarlamaanka ayaa xiriir wanaagsan u dhaxeyn, tan iyo markii uu khilaafka Baarlamaanka bilowday, waxaana todobaadyo Mr Muudey soo saaray warqad uu shaqo joojin uu ku sameeyay Xoghayaha Baarlamaanka C/kariin Buux, taasoo laga keenay dood sharciyeed.

Si kastaba ha ahaatee kulanka berri oo Khamiis ah ayaa la filayaa in Guddoomiye Jawaari ku soo gaba gabeeyo 5 sano iyo bilooyin uu soo maamulayay Baarlamaanka, iyadoo labo jeer loo doortay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment