2646 Views

Sawiro:-Wasiir Oomaar oo kullan laqaatay Madaxda Shirkadda Turkiga Airlines

Sawiro:-Wasiir Oomaar oo kullan laqaatay Madaxda Shirkadda Turkiga Airlines
____________________________________________________________________________

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee xukumada fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Salaad “Oomaar” ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kullan kula leh madaxda shirkadda duulimaadka Turkiga ee Turkish Airlines.

Muqdisho | QOL | April 12, 2018 –Wasiir Oomaar ayaa dadaal ugu jira sidii dib loogu soo celin lahaa diyaaraddii magaca iyo maamuuska ku lahayd ummadda Soomaaliyeed ee Soomaali Airlines.

Mudane: Maxamed C/llaahi Salaad “Oomaar” iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa warbixin ka dhageystay madaxda Shirkadda Turkish Airlines waqtiyadii kala duwanaa ay soo martay,wuxuuna Wasiir “Oomaar” uu booqday qeybaha ay ka kooban tahay shirkadda Turkiga Airlines.

Wasiir “Oomaar” iyo wafdigiisa ayaa warbixino ka dhagaystay Madaxda Shirkada Turkish airlines waqtiyadii ay soo martay iyadoona wasiirka uu booqday qeebaha ay ka koobantahay Shirkada Turkish airlines .

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad “Oomaar” oo warbaahinta kula hadlay magaalada Istanbul ayaa sheegay in kullan mira dhal ah uula yeeshay madaxda shirkadda Turkish Airlines,isagoona hoosta ka xariiqay in booqashada xarunta shirkadda wax badan ka caawin doonto.

Captain Caydaruus oo ka mid ahaa Duuliyeyaashii Soomaali Airlines ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed wax badan ka faa’idi doonaan dib u soo celinta diyaaradda Soomaali  Airlines.

Waxa socda dadaallo xooggan oo la doonayo in lagu mataaneeyo labada Wasaaradood, iyadoona Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya  laga caawin doono arrimo badan waxa jira kullan uu Wasiir “Oomaar” la yeelan doona dhiggiisa Turkiga.

1 2 3 4 6 7  89 10 11

 

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment