2598 Views

Dowlada Uganda oo dhaliishay ciidamada Soomaaliya oo dalal kala duwan tababarayaan

Dowlada Uganda oo dhaliishay ciidamada Soomaaliya oo dalal kala duwan tababarayaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 14, 2018 – Dowlada Uganda ayaa dhaliishay qaabka loo tababaro ciidamada Soomaalida oo wadamo kala duwan ay tababaraan waxana ay ku baaqday in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya loo tababaro ciidan wadajir ah oo amniga dalka kala wareegi kara howlgalka AMISOM.

Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda Gen David Muhoozi ayaa sheegay in dhibka heysta ciidanka Soomaaliya uu yahay in aysan helin tababar mid ah.

Warbaahinta isaga oo kula hadlayay magaalada Kampala ayaa wax laga weydiiyay sababta

Dowladda Uganda oo howlgalka AMISOM 11 Sano ku jirta aysan uga qeyb ahayn diyaarinta Ciidanka Soomaaliya.

Gen David Muhoozi ayaa sheegay in Dowladaha Uganda,Kenya,Turkiga iyo kuwo kale ay aqbalaan tababarka Ciidamada Soomaaliya iyaga oo wata aragtiyo kala duwan.

Waxaa uu intaas ku daray haddii waddamada tababaraya Ciidamada Soomaaliya ay halmeel ku wadatabaraan ay taas horseedi karto in ciidan mid ah ay yeelato kuwaas oo amaanka dalkooda kala wareegi kara howlgalka AMISOM.

Gen David Muhoozi,ayaa warbaahinta u sheegay in 1,822, Askari oo u dhashay Uganda ay dhawaan ku biirayaan howlgalka AMISOM kuwaas oo qeyb ka ah guutada guutada 24aad ee Ciidamada Uganda.

Mar wax laga weydiiyay sababta ay Uganda ciidan badan ugu direyso Soomaaliya iyada oo dhawaan laga dilay 8 Askari waxaa uu ku jawaabay in shaqada Milatariga ay tahay geeri iyo guul midkood,sidaas darteedna askarta loo diray Soomaaliya aysan wax wal wal ah ku heyn dagaalka AL-shabaab.

Taliye ku xigeenka ciidanka dhulka dalka Uganda Sam Kavuma,ayaa Ciidanka kula dar daarmay in ay aqlaaq wanaag la tagaan Soomaaliya islamarkaana aad u feejignaadaan.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment