2364 Views

Wabiga Shabelle oo laga baqayo inuu fataho

Wabiga Shabelle oo laga baqayo inuu fataho
____________________________________________________________________________

Jowhar | QOL | April 15, 2018 – Roobabka guga oo ka da’ay deegaano ka mid ah dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sababay in wabiga Shabelle uu buuxsamo iyadoo cabsi laga qabo in uu ku fataho xaafado ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Wabiga Shabelle ayaa lagu soo baraarugay duhurnimadii maanta iyadoo ay biyo ka soo burqanayaan gaar ahaan meel u dhow garoonka kubbada cagta ee Shongole Stadium ee xaafada Kulmis.

Dhalinyarada xaafada Kulmis gaar ahaan qeybta Buulo-Makiino oo is abaabulay ayaa u suurtogashay inay ka hortagaan oo ay joojiyaan biyaha ka fatahayay wabiga oo gaaray guryo ku dhow dhow wabiga Shabelle.

Sidoo kale waxaa jirta biyo uu wabiga ka wado xaafada Biyaasa ee hore u ahayd warshadii hore ee sokorta SNAI,halkaa oo ay barakacayaal badan ku nool yihiin.

Tuulooyinka ku xeeran wabiga Shabelle ayaa sidoo kale dadka ku nool waxa ay ka cabsi qabaan inuu wabigu ku fataho hase yeeshee illaa iyo hadda lama soo sheegin tuulo uu wabigu ku fatahay.

Wabiga Shabelle ayaa sanad walba waxa uu ku fatahaa deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe iyadoo loo aaneynayo wabiga oo carro ka buuxsantay iyo weliba iyadoo biyo xireenada Sabuun iyo Kanaalka Shiinaha oo marka wabiga uu biyo badan wado lagu yareyn jirey.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment