2526 Views

Kuliyadii Jaale Siyaad oo dib loo howlgelin doono

Kuliyadii Jaale Siyaad oo dib loo howlgelin doono
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 18, 2018 – Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay weheliyaan abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdillaahi Cali Caanood, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo saraakiil kale ayaa kormeeray kuliyadda Jaalle Siyaad oo ay xarun u tahay ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howl-galka Nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa cutub ka mid ah ciidanka AMISOM ee Burundi salaan sharaf ka qaatay, wuxuuna kulan gaar ah la yeeshay wakiilka midowga Afarica ee Somalia Mr.Francisco Jose Maderia iyo saraakiisha ciidanka Burundi ee saldhiga u ah kuliyada Jaalle Siyaad, madaxweynaha ayaa ka xog waraystay xaalada xerada iyo dadaalada ciidanka Burundi ay wadaan kaasoo ku aadan howlgalka dowladdu ku cirib tirayso argagaxisada Al Shabab.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in xarunta Kulliyada Jaalle Siyaad uu Madaxweynaha balan-qaaday in dib loo howl gelinayo.

Wakiilka Midowga Africa ee Somalia Mr.Maderia ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay inuu yahay masuul ay ka go’an tahay dhismaha ciidan xooggan uu dalka yeesho iyo in lasoo afjaro kooxda Al-Shabaab,wuxuuna tusaale usoo qaatay sida uu ugu soo guuray wasaradda Gaashaandhigga oo mudooyinkii danbe ku shaqaynayay.

Kulanka marka uu soo idlaaday Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay kuliyada Jaale Siyaad, wuxuuna ku amaanay ciidanka AMISOM siday xilli kasta ugu heelan yihiin dowladda iney ku garab siiyaan sidii Al-Shabaab loogu adkaan lahaa.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment