3432 Views

Taliye Koofi oo sheegay in ay dalka Ajaaniib sharcidaro ku joogaan

Taliye Koofi oo sheegay in ay dalka Ajaaniib sharcidaro ku joogaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 19, 2018 – Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa sheegay inay jiraan ajaaniib dalka si sharci darro ku jooga.

Taliye Koofi ayaa sheegay in ajaaniibta qaar ay ku jiraan kuwo dalalkooda dambiyo ka soo galay, oo gudaha dalka soo galay.

“Waxaa jira ajaaniib dalka si sharci darro ku soo galay, oo badankood dambiyo ka soo galay dalalkooda”ayuu yiri Taliyaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Waxaa uu sheegay inay jiraan dadka dalka degan oo qaarkood ilmo ku dhalay, waxaana uu xusay inay wadaan habab lagu diiwaan geliyo dadkaas, isla markaana dadka dambiyada soo galay ee adduunka laga raadinayo loo gacan geliyo hey’adaha ammaanka.

Tan iyo bur burkii dowladdii dhexe kaddib, waxaa dalka ku soo badanayay ajaaniib si sharci darro ku soo galay, waxaa ka mid ah ajaaniib ka yimid wadamo kala duwan oo ka barbar dagaalama Al-Shabaab.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment