2373 Views

Wasiir Bayle oo ka hadalay lacagtii Imaaraadka ee lagu qabtay garoonka Muqdisho

Wasiir Bayle oo ka hadalay lacagtii Imaaraadka ee lagu qabtay garoonka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 20, Abriil 2018 — Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya CAbdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay lacagtii ka timid Imaaaradka ee 8-dii Bishaan lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalada muqdisho.

Isaga oo wareysi siinayay Idaacada Voa-da laanteeda Afka Soomaaliga ayuu sheegay Wasiirka in lacagtaas ay tahay cadadkeeda mid aad u farabadan,isla markaana dalka lasoo geliyey,iyada oo aan lagu wargelin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Imaaradka ay mashaariic farabadan dalka ka fulinyeen lacag badan ay keeni karaan balse ay aheyd in dowladda lagu soo wargelin maaadaama xiligii hore dowladda lagu soo wargelin jiray ,maadaama dowladda Soomaaliya ay waqtigaan shaki weyn qabto.

Waxaa la weeydiiyey Su’aal aheyd in dowladda Imaaraadka ay lcagtaas ku wargelisay taliyah Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod,waxa uuna sheegay in taliyaha uusan wax Shaqa ah ku laheyn lacagtas balse Imaaraadka uu ahaa in Xukuumadda Soomaaliya uu soo ogeysiiyo.

Taliyaha Ciidanka xoogag dalka Soomaaliya ayaa dhawaan wareysi uu bixiyey waxa uu ku sheegay in Imaaraadka ay u soo qoreen warqad ay ku dalbanayeen in uu u fasaxo lacag uga imaaneysa Boosaaso laakin lacagtaas ay ka timid dalka Imaaraadka Carabta,isla markaana saraakiishii la socotay ay diideen in ay cadeeyaan cadaka lacagtaas.

.

.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment