2214 Views

Wasiir Beyle Oo Rajo ka muujisay in Deemaha laga Cafiyo Soomaaliya.

Wasiir Beyle Oo Rajo ka muujisay in Deemaha laga Cafiyo Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 20, Abriil 2018 —Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galaya shir looga hadlayay taakulaynta iyo cafinta deymaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu rajo ka muujinayo in Soomaaliya laga cafiyo lacagaha lagu leeyahay.

Shirka ayaa ka dhacay Washington DC waxa uuna Wasiir Beyle sheegay in Soomaaliya ay kasoo baxeyso Shuruudaha la hor dhigo kadib Cafinta Deemaha.

Wasiir Beyle oo kulammo gaar gaar ah la yeeshay madaxda Bankiga Adduunka, Hay’adda Lacagta Adduunka ee loosoo gaabiyo IMF iyo masuuliyiintii kale ee shirka ka qayb gashay ayaa sheegay in ay ku qanceen habka ay Soomaaliya u maareeyso Dhaqaalaha kooban ee soo gala Dalka.

Shirka aan la qaadannay Bankiga Adduunka iyo IMF waxay aad ugu qanceen qaabka maamulka Maaliyadda., waxayna noo ballan qadeen in ay naga caawin doonaan arrimaha Deynta” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa intaa raaciyay in ay Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay in ay ku shaqayso hufnaan iyo aragti fog, wuxuuna ballan qaaday in ay Wasaaradda Maaliyaddu laba-laabi doonto dadaalada ku aaddan kobcinta Dhaqaalaha Dalka si Beesha Caalamku u aaminto sida uu hadalka u dhigay.

M1 M2 M3 M6

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment