2325 Views

Xukuumadda Soomaaliya oo beenisay in dowladii hore Imaaraadka heshiis kala gashay Dekada Berbera

Xukuumadda Soomaaliya oo beenisay in dowladii hore Imaaraadka heshiis kala gashay Dekada Berbera
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 20, Abriil 2018 — Maalma ka hor Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ayaa sheegay in heshiiskii Dekada Berbera ee khilaafka xooggan uu ka dhashay  ay la galeen Dowladii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,waxana warkaasi beeniyey Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan jirin wax heshiis ah oo dowladda Soomaaliya ama kuwii dalka soo maray ay kala galeen Imaaraadka  Dekada Berbera oo ay waxka ogyihin.

Maya maya xukuumadda soomaaliya ma oga heshiis imaaraadka ay dowaldihii dalka soo maray iyo dowladaan ay la galeen imaaraadka ama ay madaxda imaaradka ay natuseen laakin wasiiru dowlaha ayaan ka maqalnay in uu sheegay in Isfahan uu heshiiskaas ku dhacay xataa hadii uu jiro isfahan misi qoraal ah ayuu ku dhacay mise mid afka laga wada hadlay laakin Imaaraadka ayaan weli ka sugeynaa heshiiskaas ayuu yiri Wasiir Cawad”

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo jawaab u ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka Carabta ayaa ku soo aadaya xili waqtigaan uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment