2724 Views

Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay Ciidamadii ku jiray Xerada Jen Gordon iyo qalabkooda

Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay Ciidamadii ku jiray Xerada Jen Gordon iyo qalabkooda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 21, 2018 – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay inay la wareegtan tababarka iyo taageerida ciidamadii ay tababari jireen dowladda Imaaraatka Carabta, kuwaasi oo ku sugnaa xerada Gen Goordon.

Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya Gen C/llaahi Caanood ayaa shaaciyay in ciidamadaan maanta waxii ka dambeeyay ay xaqooda ku leeyihiin dowladda Soomaaliya, sida uu sheegayna ay qaban doonaan howl qaran.

Ciidamadaan ayaa tiro ahaan la sheegay inay gaarayaan 2000 oo askari, waxaana maanta si rasmi ah ula wareegay dowladda Soomaaliya.

Imaaraatka Carabta, ayaa tababar iyo dhaqaalo siin jiray ciidamadaan oo ay ku jiraan kuwo si gaar ah u tababaran.

Waxaa uu sidoo kale xusay in dhammaan ay la wareegeen , islamarkaana loo bixiyay Guutadda Daljir oo leh Taliye iyo Abaanduule.

Xiisadda u dhaxeyso dowladda Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ayaa keentay in Imaaraatka ka baxaan dalka Soomaaliya.

xerada-gordon-5

xerada-gordon-4 xerada-gordon-3 xerada-gordon-2 xerada-gordon-1

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment