2073 Views

Guddiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta lagu dhawaaqayo

Guddiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta lagu dhawaaqayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 21, 2018 – Guddiga qaban qaabada ee doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa maanta lagu wadaa in lagu dhawaaqo, iyadoo maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yeelan doonaan kulankooda caadiga ah.

Farriimo qoraaleed xalay loo kala diray Xildhibaanada ayaa lagu sheegay in ajandaha kulanka maanta oo Sabti uu yahay magacaabida Guddiga qaban qaabada doorashada.

Guddiga qaban qaabada doorashada ayaa la filayaa inuu ka koobnaado 15 xubnood, waxaana lagu saleyn doonaa habka awood qeybsiga 4.5, waxaana marka guddiga lagu dhawaaqo ay soo saari doonaan jadwalka doorashada, waqtiga la qabanayo araajida musharaxiinta iyo khudbadaha ay ka hor-jeedinayaan Baarlamaanka hortiisa.

Warar ku dhow dhow xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in todobaadkan gudihiisa la qaban doono doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Musharaxiin dhowr ah oo ay ku jiraan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa isku soo sharaxay xilka banaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana loo geli doonaa tartan iyo loolan adag.

magacyada-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment