1950 Views

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Dowladda Qatar ay u soo magacowday Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Dowladda Qatar ay u soo magacowday Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 21 Abriil 2018 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga guddoomay warqadaha danjiranimo Safiirka Dalka Qatar ee loo soo Magacabay Soomaaliya Mudane Xasan Xamsa Asad.

Danjire Xamsa ayaa Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay salaan uu uga siday Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad, waxa uuna adkeeyey danjirahu in uu kaaalintiisa ka qaadan doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad celiyey Amiirka dalka Qatar iyo dowladdiisa sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, isagoona rajeeyey in xiriirkan uu mira dhal u noqdo danaha labada dal.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment