2994 Views

14-ka mid ah saraakiishii Saddam Hussein oo wali xiran

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 23, 2018 – 14-ka mid ah Saraakiishii Mamaulkii Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saddaam Hussien ayaa wali ku xiran xabsi ku yaalla Koofurta Dalka Ciraaq, 15 Sano kaddib markii uu Mareykanka farageliyay dalka Ciraaq meeshana ka saaray dowladdii Saddaam Xuseen Sanadkii 2003dii.

55 qof oo ka mid ah Saraakiisha Saddaam ayey Isbahysiga raadinayeen, lix,waa la daldalay,lix dagaal ayaa lagu dilay, 8,waxaa ay ku dhinteen xabsiyada, 5 ayaa wali maqan, 16 waa la siidaayay oo Mareykanka ayaa fasaxay,inta uusan ka bixin Ciraaq Sanadkii 2011kii.

Dadka dagaalka ku dhintay waxaa ka mid ah Labadii wiil ee Saddaam Xuseen Uday iyo Qusey,waxaa dadka xabsiga Naasiriya ee Koofurta Ciraaq ku jira ka mid ah Wasiirkii Difaaca ee Dowladdii Saddaam Xuseen, Jeneraal Suldaan Haami Axmed, June 2007dii ayaa lagu xukumay dil toogasho ah walina lama dilin.

Saraakiisha kale waa kuwo dhexe oo ka tirsanaa Xisbigii Al Bath ee uu hoggaamiyaha ka ahaa Saddaan Xuseen,Dadka mardhow la xiray waxaa ka mid ah Abdel Baqi Abdel Karim Abdallah oo ka mid ahaa saraakiisha dhexe ee maamulkii Saddaam.

Badia Araf,waa Qareenka u doodaya saraakiisha xiran,waxaa uu sheegayaa in nolosha Xabsiga Naasiriya ay aad u liidato islamarkaana Ragga qaarkii ay halis ugu jiraan in ay geeriyoodaan.

 

Dadka xiran waxaa ka mid ah Ninka qabay Gabadha Saddaam Xuseen ee Halaa,lagu magacaabo taas oo ku nool dalka Jordan.

5; ka mid ah Taliskii Saddaam xubnihii ugu sarreeyay ayaa ilaa hadda maqan waxaa ka mid ah Gacantii Midig ee Saddaam, Ninka lagu magacaabo Cisad Ibraahiim Addurri ,kaas oo ahaa madaxweyne ku xigeenka dalka Ciraaq  wali na aan lahayn halka uu ku suganyahay.

Mid ka mid ahaa saraakiisha dhexe ee Xisbiga Al Bath, Saif el-Din Mashhadani, 2014kii ayey Daacish ku dishay Muusil isaga oo dhuumanaya.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment