2340 Views

Agaasime Koofi oo la kulmay masuuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti

Agaasime Koofi oo la kulmay masuuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 24, 2018 – Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Koofi oo safar shaqo ku gaarey dalka Jabuuti, ayaa maanta la kulmey taliyaha booliiska iyo taliyaha socdaalka dalka Jabuuti.

Kulanka oo ka dhacey Taliska booliiska Dawladda Jabuuti, ayaa laga wadahadley iskaashi laga yeesho arimaha socdaalka, isweydaarsiga khibradaha iyo xuduudka dhulka ee u dhaxeeya labada dal.

Agaasimaha oo ay safarka ku wehlinayeen saraakiil ka socota xaafiiska xariirka dibadda ee HSJ ayaa uga mahadceliyey taliska booliiska Jabuuti soo dhoweynta iyo weliba wadashaqeynta hadda jirta.

.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment