2397 Views

Dowladaha Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dowladaha Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 24, 2018 – Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Amb; Axmed Ciise Cawed iyo Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Olgan Bekar, ayaa ka wada hadlay habka loo xoojin karo wada shaqaynta Labada Dal.

Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lagu Lafa guray sidii Dowladda Turkiga ay usii Laba jibbaari lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

ntii lagu guda jiray kulanka ayaa labada dhinac waxay is dhaafsadeen arrimo dan u ah Labada dal, waxayna sidoo kale isla soo qaadeen sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Labada Waddan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Walaaltinimo ee wax wada qabsi.

Amb;Olgan Bekar, ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu waddankiisa Turkiga adkayn doono xiriirka ka dhexeeya Labada dhinac, wuxuna sheegay inuu Dalkiisu adkayn doono doorkooda ku aaddan garab istaagga iyo gargaarka ay siiyaan walaalahooda Soomaaliya.

Somalia-Turkig-2

.

.

.

Xafiiska Waraka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment