1854 Views

Wasiirkii Gaashaandhigga oo is casilay kuna biiray Musharixiinta Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka

Wasiirkii Gaashaandhigga oo is casilay kuna biiray Musharixiinta Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 24, 2018 – Wasiirkii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta iska casilay xilkii Wasiirnimo isaga oo isku soo sharaxay xilka guddoomiyaha Golaah Shacabka Soomaaliya.

Wasiir Mursal oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Warqada istiqaalada waxa uu u gidbiyey Guddiga doorashada gudoomiyaha oo uu hogaamiye Nuur Iidow Beyle,waxana isla Maanta uu qaatay Shahaadada mushaarxnimo ee guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan ayaa haayay mid ka mid ah xilalka ugu waaweyn ee golaha Wasiirada balse uu Maanta xilkaasi iska casilay,waxana sidoo kale shalay is casilay Wasiir dowle iyo Wasiir ku xigeen kuwaas oo ka mid noqday musharixiinta xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

wasirka-gaashandhiga-casilaad-2 wasirka-gaashandhiga-casilaad-1

.

W/Q:- Bashiir Barre Ali

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment