3447 Views

Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Weerar afka ah ku qaaday Al-Shabaab taageerayna go’aankii Muqtaar Roobow

Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Weerar afka ah ku qaaday Al-Shabaab taageerayna go’aankii Muqtaar Roobow
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Qpril 25, 2018 – Xasan Daahir Aweys oo mar ka mid ahaan jiray hogaamiyayaasha Al-Shabaab,isla markaana hadda Xabsiga ku uga jira Muqdisho ayaa weerar dhanka Afka ah waxa uu ku qaaday Al-Shabaab isaga oo taageeray Go’aankii uu qaatay Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur.

Fariin Muuqaal ah oo uu soo duubay ayuu kaga hadlay dilalka qorsheysan ay fuliyaan mararka qaar Al-Shabaab,iyada oo sidoo kale uu difaacay Muqtaar Roobow oo horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse markii dambe isaga soo baxay kadibna la dagaalamay.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan abaal laheyn,isla markaana dadkii la soo shaqeeyey ay dhibaateeyaan sida uu hadalka u dhigay.

Muuqaalka uu soo duubay Xasan Daahir Aweys oo gaarayay ilaa 53 Daqiiqo iyo 45 Sikin ayuu ku sheegay in ay Al-Shabaab cidwalba dagaal la galeyn,isaga oo tusaalo u soo qaatay Muqtaar Rooboow oo uu sheegay in uu ka mid ahaa hogaamiyaashii u gacan geliyey gobolada Baay iyo Bakool laakin ay ka abaal dhaceyn sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii waxad tihiin dad khilaaf badan oo aan abaal laheyn muqtaar roobow oo howshaan idin soo bilaabay waad ku jisaarteen,Ummada waa la ilaashaadaa laakin cadawgi ayaa idinka yeeshay dadkii,waxad dhahdaan ciddii idinka hortimaado waa gaalo ama gaalo ayay la hadashay laakin waxan idin leeyahay war dadka si wanaagsan ula dhaqmo oo joojiya falalka aad sameyneysaan ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Ma ahan fariintii ugu horeysay oo uu soo duubo Sheekh Xasan Daahir Aweys balse waa ay ka duwaneyd fariintaan kuwii hore isaga oo sitoos ah weerar ugu qaaday Al-Shabaab oo uu mar ka mid noqday Madaxdeeda balse ay iskhilaafeen,taas oo sababtay in dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka soo qabato Gobolka Galgaduud isaga oo baxsad ka ahaa Al-Shabaab.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment