1683 Views

Adan Barre Ducaale oo ka tagay Xisbiga haya talada dalka Kenya ee Jubilee kuna biiray Xisbiga William Ruto

Adan Barre Ducaale oo ka tagay Xisbiga haya talada dalka Kenya ee Jubilee  kuna biiray Xisbiga William Ruto
____________________________________________________________________________

Sabti: November 6, 2021

Qaar kamid ah xubnaha ugu sarreeya xisbiga haya talada dalka Kenya ee Jubilee, ayaa ku hanjabay inay xubinnimada ka qaadi doonaan madaxweyne ku xigeenka William Ruto, kaasoo shaaciyay inuu u tartamayo doorashada dhici doonta sanadka soo socda .

Waxaa ay Ruto ku eedeeyeen inuu kala dhantaalay awoodda xisbiga, isla markaana u adeegsaday danihiisa siyaasadeed.

Balse xildhibaan Adan Barre Ducaale oo kamid ah siyaasiyiinta aadka ugu dhaw madaxweyne kuxigeenka ayaa tilmaamay in garabkooda ay sameysteen xisbi u gaar ah, isla markaana ay Jubilee u arkaan mid laga tegay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post