663 Views

Bashiir Goobe oo ka jawaabay eedeyn ‘dhul boob ah’ oo loo jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble

Bashiir Goobe oo ka jawaabay eedeyn ‘dhul boob ah’ oo loo jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble
____________________________________________________________________________


Talaado: December 21, 2021

Taliye sare oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa soo jeediyey eedayn ah in saraakiil ka tirsan dawladda ay damacsan yihiin inay dhistaan dhul ay leeyihiin ciidamada badda Soomaaliya.

Hadalkan waxa sheegay taliyaha ciidamada badda Sarreeye Guuto Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Taliyaha ayaa muuqaal la siiyey warbaahinta ku sheegay in saraakiil sare oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay doonayaan inay dhistaan dhulka ciidanka badda.

Waxa uu sheegay dhulkii ciidanka loogu talogalay in dan shaqsiyadeed loo qaato si looga dhiso dhul lagu nasto, laguna raaxaysto, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Sarreeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe” oo ah Wasiiru Dowlaha Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Guryeynta ayaa sheegay in eedaynta taliyaha ciidanka badda ay ku noqotay “argagax”.

Bashiir Goobe oo isna la hadlayey warbaahinta gudaha ayaa sheegay in anshaxa ciidamada aysan ku jirin in sarkaal darajo ciidan leh uu warbaahinta ja eedeeyo madaxda qaranka.

Waxa uu sheegay in ogaanshihiisa dhulkaasi aanu ahayn dhul ciidan. Waxa uu sheegay in dhulkaasi yahay dhul “yar” oo u dhexeeya xeebta iyo safaaradda Turkiga.

VOA waxay la xiriirtay taliyaha ciidanka badda, iyo Af-hayeenka dawladda Soomaaliya oo aan weli kasoo jawaabin codsigii aan u gudbinnay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post