1155 Views

Dagaal-beeleed ka dhacay Sudan oo lagu dilay in ka badan 30 ruux.

Dagaal-beeleed ka dhacay Sudan oo lagu dilay in ka badan 30 ruux.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 07 2020–War ka soo baxay Golaha Wasiiradda ee dalka Suudaan ayaa lagu sheegay in 30 qof lagu dilay dagaal-beeleed ka soo cusboonaaday Gobalka Daarfuur ee Galbeedka dalkaasi saacadihii la soo dhaafay.

Ra’isul-wasaare Cabdalla Xamdook ayaa sheegay in uu iska horimaadkaasi socday tan iyo Talaadadii la soo dhaafay, balse, ay Milliteriga kala dhex galeen Beelihii dagaalamayey haatana dagaalku joogsaday.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhexeeyo Maleeshiyo Beeleedyo ka soo kala jeeda labada Qabiil ee lagu kala magacaabo Falata iyo Rizegat, wuxuuna dagaalkoda salka ku hayaa Lo’ la kala dhacay sida warbaahinta Maxaliga ah ay ku warantay.

Guddoomiyaha Gobalka Koonfurta Daarfuur, Haashim Khaalid ayaa sheegay in ay haatan xaalladu deggan tahay, isla markaana Ciiddan Xoojin ah loo diray Deegaanadii lagu dagaalamay.

waxa uu sheegay in ay jiraan dad goobahaasi ka barakay oo u baahan gar gaar cunta iyo biyo xilligaan lagu jiro Bisha barakaysan Ramadaan,isaga oo intaas ku daray in dadkii ku dhaawacmay mashaqadaasi isbitaaladda Dowladda la dhigay.

Rabshada iyo dagaaladda dalkaasi ayaa yaraa ka dib markii xilka la laga tuuray hogaamiyihii waqtiga dheeraa ee Suudaab Cumar Xasan Al Bashiir uuna xilka la wareegay xukumada uu hogaamiyo Ra’isul-wasaare Cabdalla Xamdook.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment