Maxay ka dhigan tahay farriinta uu madaxweyne Xasan u diray maamul goboleedyada?
MUQDISHO — Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay madaxda maamul goboleedyada dalka ‘in aysan siyaasadayn arrimaha muhiimka u ah qaranka’ oo ay ka mid yihiin midnimada, madaxbanaanida, qaranimada, amniga qaranka iyo badqabka muwaadiniinta. Hadalkan ayaa imanaya ayada oo dhowaan uu baaqday kulan ay u ballansanaayeen labada dhinac, sidoo kalena uu madaxweynaha khilaaf…