1431 Views

Faransiiska oo Ganacsade heysta dhalada dalka Jabuuti ka baadi goobaya Soomaaliland

Faransiiska oo Ganacsade heysta dhalada dalka Jabuuti ka baadi goobaya Soomaaliland
____________________________________________________________________________

uqdisho | QOL April 04, 2019 –Maalmihii la soo dhaafay waxaa Soomaaliland ka taagneyd xiisad ka dhalatay dacwad ay dowladda Faransiiska kasoo gudbisay Ganacsade lagu Magacaabo Axmed Cismaan Geelle,kaas oo Bangiyo ku yaalla Faransiiska ay ku heystaan lacago uu kasoo deynsaday.

Soomaaliland ayaa dacwadaas halka ay mareyso iyo waxa ka jira waxaa Maanta ay kaoso saartay War-Saxaafadeed.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliland.

Waxa jirta deyn Shirkadda GSK, ee uu mulkiilaha ka yahay Axmed Cismaan Geelle ka qaadatay Baanka Faransiiska ah ee BCI Mer Rouge, oo qayb ka ah Baanka kale ee Faransiiska ah ee BRED, kaas oo farac u ah Baanka Caalamiga ah ee BPCE. Lacagtaas waxay shirkadda GSK ku qaadatay maalgelinta Warshadda Coca-Cola oo laga dhisay  Somaliland.

MIlkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle, wuxuu qaatay deyntaas isaga oo ah muwaadin reer Jabuuti ah, haystana dhalasho Jabuuti ah, muddo ka dibna wuxuu u soo wareegay, soona dagay Somaliland.

12-kii bishii March, 2018, waxa dalka yimid Agaasime Ku-xigeenka Baanka weyn ee Faransiiska ah ee BRED, oo ah baanka iska leh faraca baan ee BCI Mer Rouge iyo Agaasimaha Guud ee faraca bangiga  ku leeyahay dalka Jabuuti Mr. Nadhir Zouaghi. Labada Mas’uul ee ka socda Baanankaa Faransiiska ahi waxay sheegeen in ay lacag deyn ah oo dhan 20 Milyan oo doolar ku leeyihiin Shirkadda GSK iyo Milkiilaha Shirkaddaasi Axmed Cismaan Geelle.

Madaxweynaha  Somaliland waxa uu u saaray arrintaas guddi ka kooban Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdi Ibraahin iyo Taliyaha Booliiska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan. Bangiga Faransiisku waxa uu codsaday in lacagta deynta ah Shirkadda GSK u bixiso sida uu dhigayo heshiiskii deynta oo ah in haf lagu bixiyo.

Milkiilaha Shirkadda GSK Axmed Cismaan Geelle, waxa uu qirtay deynta Bangiga Faransiiska ahi u sheegtay, balse waxa uu ku dooday in lacagtiisa iyo hantidiisa qayb ka mid ahi kaga xayiran tahay Dalka Jabuuti oo aanu khilaaf soo kala dhex-galay Dawladda Jabuuti darteed u tagi karin. Sidaa daraadeedna, waxa uu ka gows-qabsaday in uu aqbalo in uu lacagta deynta ah u bixiyo si hafto ah, sida uu heshiisku ahaa, bangiga faransiiskuna uu dalbaday.

15-kii bishii February, 2018, waxa Soomaaliland  yimid Safiirka Dalka Faransiiska u fadhiya dalka Kenya , Ambassador Antoine Sivan, oo sita go’aannada Maxkamadaha dalalka Faransiiska iyo Jabuuti ee la xiriira  arrinta daynta Bangiga Faransiiska ahi ku sheegaynayo Milkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle. Waxa kale oo uu sheegay in ay dacwad ka dhan ah Shirkadda GSK u gudbiyeen Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL.

Somaliland waxa ay ku dooday in ay fulin karto oo kaliya garta lagu qaado Maxkamadaha Somaliland, maadaama Ganacsade Axmed Cismaan Geelle hadda yahay muwaadin reer Somaliland ah, go’aammada maxkamaha dalalka Faransiiska iyo Jabuuti ka soo baxayna ay iyaga u gaar yihiin. Balse Safiirka Faransiisku waxa uu ku dooday in Axmed Cismaan Geelle yahay muwaadin reer Jabuuti ah, daynta bangiga Faransiiska ahna uu qaatay isaga oo ah muwaadin reer Jabuuti ah.

Dood dheer kadib, waxa la isla qaatay in dacwadda daynta lagu qaado maxkamadaha Somaliland, iyada oo haba-yaraatee wax tixgelin ah la siinin go’aamadda ka soo baxay Maxkamadaha dalalka Faransiiska iyo Jabuuti midna. Waxa in badan lagula taliyey Ganacsade Axmed Cismaan Geelle in lacagta daynta ah iska bixiyo mar hadduu qiraal yahay. Balse ganacsaduhu arrintaa wuu ka cajiiday.

Sidaas darteed, Bangiga Faransiiska ahaa wuxuu qabsaday Looyar reer Somaliland ah, kaas oo uu bilaabay in uu soo diyaarsado qoraallada iyo waraaqaha la xiriira dacwadda daynta Bangiga Faransiiska ahi ku sheeganayo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle. Sida curfiga Caalamiga ahi dhigayo, waxa dhammaan waraaqaha Looyarku keenay ee ka soo baxay Dawladaha dalalka Faransiiska iyo Jabuuti uu soo mariyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wasaaradda Caddaalada Somaliland si loo hubiyo in waraaqahani si rasmi ah uga soo baxeen dawladaha iyo hay’adaha dawliga ah ee ay magacooda sitaan. Waana hab Caalami ah oo loo xaqiijiyo qoraallada iyo waraaqaha iskaga gudbaya Dawladaha.

Nasiib-daro, Milkiilaha Shirkadda GSK ee daynta loo sheeganayo, Axmed Cismaan Geelle, waxa uu qaaday tallaabooyinkan:

  1. Waxa uu si sharciga baal-marsan uga soo qaatay qoraallada iyo waraaqaha arrinta dacwadda daynta lagu sheeganayo khuseeya Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wasaaradda Caddaalada. Talaabadaas oo ah gef sharci.
  2. Qoraalladaa iyo waraaqahaa waxa uu u gudbiyey, kuna abaabulay si beelaysan madax-dhaqameedyo war-moog ah.
  3. Wuxuu ka been sheegay qoraallada iyo waraaqaha uu ka soo qaatay labada Wasaaradood ee kor ku xusan ee ku saabsanaa dacwadda daynta lagu sheeganayo ee ku socday Maxkamadaha Somaliland, waxaanu ugu sheegay odayaasha dhaqanka in waraaqahaasi yihiin Waaran lagu qabanayo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle.

Arrintaasi waxa ay abuurtay bulaan iyo caadifad beelaysan. Waxaanu Milkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle ka doortay in uu sharciga ka talaabsado, beelo abaabulo, dalkana nabad-gelyadiisa isku dayo in uu khal-khal galiyo, Somaliland-na indhaha Caalamka ku soo jeediyo, una ekaato meel lagula soo gabado hantida iyo lacagaha laga soo dhaco Bangiga  adduunka.

Ganacsade Axmed Cismaan Geelle waa og-yahay, waanu qirtay in hantida iyo daynta loo sheeganayo lagu leeyahay, Booliska Adduunka ee INTERPOL -na raadinayo.

Haddaba waxanu u caddaynaynaa dadweynaha Somaliland in dawladdu u dadaashay Shirkadda GSK iyo Milkiilaheeda Axmed Cismaan Geelle in ay ilaaliso xaquuqdiisa iyo hantidiisa, sida muwaadiniinta kaleba loo ilaaliyo hantidooda iyo xuquuqdooda, waana waajib dawli ah.

Dawladda iyo Shacabka Somaliland waxa ay raadinayaan ictiraaf Caalami ah, waxaanay iska ilaalinayaan wax kasta oo u ekaysiinaya Somaliland meel aanay ka jirin shuruuc iyo kala dambayn, lagulana soo dhuunto hantida iyo xoolaha umadaha kale ee adduunka laga soo dhaco.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment