486 Views

Ahlu sunna oo dhaqdhaqaaqyo ka wada deegaano hoos yimaada Dhuusamaree

Ahlu sunna oo dhaqdhaqaaqyo ka wada deegaano hoos yimaada Dhuusamaree
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 12, 202

Wararka naga soo gaaray Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in magaalooyinka Dhuusamareeeb iyo Guriceel ay billaabeen in ay qaxaan, sabab la xiriira cabsi ay ka qabaan dagaal halkaasi ka dhaca.

Wariyaha Idaacadda Kulmiye ee Gobolka Galguduud ayaa soo sheegaya in boqolaal shacab ah ay galabta ilaa caawa ka barakceen Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamo ka tirsan Ahlu sunna ay ka soo baxeen deegaanka Bohol oo muddooyinkii dambe fariisin u aheyd, taasi oo shacabka ku abuurtay cabsi ku aadan in dagaal ay la galaan Ciidamada dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Tillaabadan ayaana ku soo aadeysa xilli Madaxda Galmudug sida Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho oo 15 bishaan May ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post