819 Views

Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo laga dareemayo Barakax Dadka Shacabka ah

Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo laga dareemayo Barakax Dadka Shacabka ah
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 12, 202

Waxaa xalay ilaa saaka barakac xoogan uu ka socdaa degmooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ee gobolka Galgaduud kadib dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay sameeyeen Ciidamada xoogagga hubeysan ee Ahlusunna Waljamaaca eek u sugan degaanka Bohol.

Dad ku sugan labada degmo ayaa sheegay in barakaa uu ka dambeeyay kadib markii ay heleen warar sheegaya in xoogaga Ahlusunna ay weerar kusoo yihiin labada degmo, waxaana dadka degaanka au u barakaceen degaano u dhow Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Dhinaca kale Ciidamada Dowlada Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidamada  ATMIS ayaa heegan sare ka galey Xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la arkayaa askar aad u badan oo saacadihii u dambeeyay la dhoobey waddooyinka soo gala Magaalada iyo xarumaha muhiimka ah ee Dowladda.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Guraha dabaqadya ah ee magaalada dhuusamareeb iyo dhismayaasha kale ee ku yaala bartamaha Magaalada la saaray Ciidamo faarbadan.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post