924 Views

Turkiga oo sii kordhiyey xannibaadda uu saaray diyaaradaha Ruushka ee isticmaala hawadeeda

Turkiga oo sii kordhiyey xannibaadda uu saaray diyaaradaha Ruushka ee isticmaala hawadeeda
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 12, 202

Dalka Turkiga ayaa sii kordhinaya cadaadiska uu ku hayo joogintaanka militariga Ruushka ee Syria, iyada oo go’aansatay inay hawadeeda ka xidhato diyaaradaha Ruushka ee u safraya dalka Syria illaa bisha July.

Dalka Turkigu ma sheegin sababta rasmiga ah ee ay tallaabadan u qaadeen, iyada oo Ankara iyo Moscow ay kala taageerayaan dhinacyada iska soo horjeeda ee ku dagaalamaya dalka Syria, inkasta oo ay iska kaashanayaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ka taagan dalkaasi.

Huseyin Bagci, oo ah madaxa machadka siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga, ayaa sheegay in tallaabadan ay ku soo beegantay iyadoo dalka Turkigu uu xulafadiisa reer galbeedka la wadaago, inay ka soo horjeedaan duullaanka Ruushka ee Ukriane, waxaana arrintan saldhig u ah in Turkigu uu doonayo inuu hagaajiyo xidhiidhka uu la leeyahay isbahaysiga NATO ee uu ka tirsan yahay iyo dalka Maraykanka.

Marinka hawada ee dalka Turkiga ayaa ah, dariiqa ugu fudud ee ay mari karaan diyaaradaha Ruushka ee saanadda iyo adeegyada militariga gaadhsiinaya ciidamada Ruushka ee ku sugan saldhiga militari ee uu ku leeyahay Syria. Inkasta oo ay jiraan jidad kale oo ay isticmaali karaan, hase ahaatee Ruushka ayaa ka cabsi qaba in dalka Turkigu inuu u janjeedhsado dhinaca Maraykanka si loo go’doomiyo Ruushka.

Tallaabadan Ruushka ayaa durba saamayn ku yeelatay sahayda militari ee dawladda Ruushku ay gaadhsiiso ciidamadeeda ku sugan Syria, iyada oo Turkigu hore u xadiday isticmaalka ciidamada Ruushka ee marinka biyaha badda madow.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post