705 Views

Wasiirka Howlaha Guud oo daah furay Shirka Guddigga hagidda mashruuca dib u dhiska waddooyinka

Wasiirka Howlaha Guud oo daah furay Shirka Guddigga hagidda mashruuca dib u dhiska waddooyinka
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 12, 2022

Shirka Guddigga hagidda mashruuca Dib u dhiska Wadooyinka Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin Qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda Federaalka iyo  Wasaaradaha Howlaha guud ee Dowladd Goboleedyada Soomaaliya  ayaa waxaa daahfuray Wasiirka Howlaha Guud Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka ku-xigeenka Maaliyadda ee XFS, Wasiirada Howlaha guud ee Dowlad Goboleedyada, Wakiilo ka socday Wasaaradaha Federaalka qaarkood iyo qubaro kala duwan.

Wasiir ku-xigeenka Maaliyada Cabdullahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa xusay In mashruucan looga gudbi doono burburka 30-kii sano ee lasoo dhaafay soo gaaray wadooyinka dalka, ka Wasaarad ahaana ay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan dib u dhiska Waddooyinka.

Wasiirka Howlahav Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo shirka furay oo sharaxay muhiimada shirka ayaa sheegay in uu ku saabsan soo bandhigga xaaladda meesha ay mareyso iyo mashruuca ay Wasaaraddu ka diyaarisay arrintan.

“Mashruuca dib u dhiska waddooyinka Soomaaliya oo ah dib u habeynta kaabayaasha, maanta waxaan u fadhinaa sidii aad talooyin ugu darsataan, soo bandhigna barnaamijka halka uu marayo, waana lagama maarmaan inaad talooyinkiina ku biirisaan muddada labada maalin ah ee uu socon doono shirka”, ayuu yiri Wasiir Xuseen Maxamuud.

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post